Cristiano Ronaldo oo misane caawa Rikoodh kale dhigay

crrrrrrr

(Madrid) 09 Dis 2017. Habeen wacan ayuu caawa u ahaa Cristiano Ronaldo kaddib markii uu dhaliyay labo gool kulankii ay dhawaan Real Madrid 5-0 uga adkaatay Sevilla.

Xiddiga reer Portugal ayaa taageerayaasha Bernabeu ciyaarta ka hor u soo bandhigay 5 Ballon d’Or uu ku guuleystay.

Farxada laacibka ayaa waxaa kor u sii qaadaya in labadii gool uu caawa dhaliyay ay sameynayaan micno gaar ah.

Waxay ka dhignaayeen in Ronaldo uu yahay laacibkii ugu horreeyay ee ugu yaraan 50 gool iyo ka badan u dhaliya kooxdiisa iyo xulkiisa Portugal 7-sano oo xiriir ah.

Sanadkan 2017 ayuu Ronaldo u dhaliyay Real Madrid 40-gool halka uu Portugal u dhaliyay 11-gool 57-kulan uu ciyaaray.

Sanadkiisii ugu shidnaa waa 2013 kolkaa uu dhaliyay 69 gool 59-kulan uu ciyaaray, waa Rikoodh aan marna hubaashii la jabin doonin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close