Unai Emery oo ka hadlay wararka Neymar la xiriirinaya Real Madrid

Image result for Unai Emery Neymar

(Paris) 08 Dis 2017 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa ka hadlay wararka Real Madrid la xiriirinaya laacibkiisa Neymar.

Unai Emery oo uu taabtay hadalkii madaxwaynaha Real Madrid ayaa sheegay in Neymar haatan uu joogo PSG.

Image result for Unai Emery Neymar

Wuxuuna kalsooni ka muujiyay in laacibka reer Brazil uu sii joogi doono kooxda reer France mustaqbalka fog.

“Florentino Perez wuxuu doonayaa inuu la saxiixdo Neymar laakiin haatan PSG ayuu joogaa” ayuu yiri Unai Emery.

“Waan hubaa in Neymar uu PSG ku gaarayo yoolkiisa guud iyo midkiisa gaar ahaaneed” ayuu sii raaciyay tababaraha reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close