Perez oo fariin CULUS u diray Neymar dabna ku sii shiday xanta xiddigga la xiriirineysa Madrid…..Muxuu yiri?

15126889340855

(Madrid) 08 Dis 2017. Madaxweynaha Real Madrid president Florentino waxa uu dab ku sii shiday xanta Neymar la xiriirineysa Real Madrid isla habeenkii xiddiggiisa uu ku guuleysatay Ballon d’Orkiisii shanaad.

Perez waxa uu amaan kala dul dhacay HANTIDA UGU WEYN ee uu haysto – Ronaldo halka uu sidoo kale sharraxaad ka bixiyey kuwa raadkiisa raaci doona.

“In aad joogto Madrid waxa ay kuu sahleysaa in aan ku guuleysato Ballom d’Or-ka,” ayuu qiray mar wax laga weydiiyey Neymar.

“Real Madrid waa koox ku siineysa wax walba oo aad u baahantahay marka aad tahay ciyaaryahan weyn, qof walba wuu egyahay in aan rabay saxiixiisa waqti ka mida watqiyada.”

Muddooyinkan dambe waxaa isa soo tarayey xanta laacibka reer Brzazil ku toleysay Los Blancos kaddib markii uu aduunka rikoorka noqday ugu biiray PSG.

Neymar culeys ayaa ku soo food saaray Paris xilli ay is qabtee Edison Cavanu.

Saxaafadda France ayaa ka dhigtay TUKE CAMBAAR leh kaddib markii aad loogu dhalleeceeyey Neymar hab dhaqankiisa aqalka lebiska ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close