Gattuso oo beddelaya shacdii ay ku ciyaaraysay AC Milan!

(Milano) 08 Dis 2017 – Gennaro Gattuso ayaa sida lasoo sheegayo u wareegi doona shaxda 4-3-3 isla kulanka ay AC Milan cawada Axadda la yeelanayso Bologna.

Kooxda Rossoneri ayaa ilaa bilowgii fasalkan ciyaaraysay shaxaha 3-4-3 iyo 3-5-2 balse tan iyo markii uu Gattuso bedeley Vincenzo Montella oo uu la kulmay hal bareejo oo xanuun badan iyo guuldarradii xalay ee Europa League ay 2-0 ku garaacday Rijeka wuxuu samaynayaa isbeddel dhanka taatikada ah.

Sida ku qoran Calciomercato.com oo uu baahiyay Sky, Gattuso ayaa ku shaqaynaya shaxda 4-3-3 oo lagu arkayay tababarka Milanello, waxaana arrintan xisaabta ku jirta in Alessio Romagnoli uu rooso ku maqan yahay kulankaas.

Hoos ka eeg shaxda laga yaabo Axadda:

Safka laga yaabo ee Milan XI: Donnarumma; Abate, Musacchio, Bonucci, Rodriguez; Kessié, Montolivo, Bonaventura; Borini, Kalinic, Suso

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close