MAALINTA PIRLO: Duqa magaalada New York oo maalin dhan u asteeyay in lagu xuso Andrea Pirlo!! + Sawirro

(New York) 07 Dis 2017 – Duqa magaalada New York ee Bill de Blasio ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in sanad kasta 6-da bisha Disember loo dabbaal degi doono Maalinta Pirlo.

Arrintan ayaa maamuus looga dhigayaa cabqarigii kubadda cagta oo bishii tagtay ciyaaraha ku macasalaameeyay kooxda New York City FC ee ka dheesha horyaalka MLS ee dalkaasi Maraykanka.

“Farxad ka badani ma jirto inaan qayb ka noqdo dabaal degga maalintan,” ayuu Pirlo ku qoray baraha bulshada.

“New York kaliya ma aha magaalo cajiib ah oo aan kubadda uga fariistay, balse waa magaalo ay dadku dadaalaan si ay ahdaaftooda u gaaraan. Mahadsanid Mayor De Blasio fursaddan aad i siiday.” ayuu raaciyay.

b

b b0 b1 b3 b4 b6 b7 b9 b12 b13 b14 b15 b16 b18

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close