FRANCE VS ITALY: Xulalka Faransiiska & Talyaaniga oo Nice ku ballamay!

(Nice) 07 Dis 2017 – Xulka Talyaaniga ayaa ciyaar saaxiibtinnimo ku ballansaday deriskooda Faransiiska oo ay la ciyaarayaa 1-da Juunyo 2018 oo ay kula ballameen gegada Allianz Riviera ee magaalada Nice.

Xulka Les Bleus ayaa kulankaa iskugu diyaarinaya KA2018 oo uu Talyaanigu dibedda ka daawan doono markii ugu horreeysey muddo 60 sanadood ah, iyagoo xilligaa ku tala jira inay helaan macallinkii bedeli lahaa Giampiero Ventura.

Waa ciyaartii 3-aad ee ay Azzurri ku dheelaan Nice kaddib 2-2 ay ciyaar saaxiibtinnimo kula galeen Austria bishii Agoosto 2008 iyo 3-0 ay Uruguay uga badiyeen Juun 7, 2017.

Xulka Nazionale ayaa France ka badiyay 18 jeer, 10 jeer barbarro halka ay 10 jeer guuldarro kala kulmeen.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close