DEG DEG: Ronaldo oo ku guuleystay Ballon d’Orkiisii shanaad

Taalada

(Paris) 07 Dis 2017. Cristiano Ronaldo ayaa markii shanaad loo caleemo saaray laacibka dunida ugu wanaagsan kaddib markii uu ku guuleystay Ballon d’Or 2017.

Waxa ay ahayd mid iska cad guushan maadama la ogaa bandhigiisii kal hore in uu ahaa mid aan loo babac dhigi Karin.

Ronaldo waxaa xafladda kala qeybgalay qosykiisa oo ay ku jirto gacalisadiisa Rodriguez.

Ronaldo waxa uu Ballon d’Or-ka ku garaacday Lionel Messi oo isna shan haysta, Neymar iyo Kylian Mbappe.

Waxaa xusid mudan markii uu Ballon d’Orkiisii afraad ee Lionel Messi ku guuleystay 2012, Ronaldo waxa uu haystay hal kaliya oo uu qaaday 2008-dii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close