Cristiano Ronaldo oo ugu dambeyn dhagta ku soo dhagay Lionel Messi

rrrrr

(Europe) 07 Dis 2017. Cristiano Ronaldo ayaa dadaal dheer iyo karti badan kaddib dhagta ku soo dhagay Lionel Messi kaddib markii caawa loo caleemo saaray abaal marinta Ballon d’Or.

Xaflad ka dhacday taalada caanka ah ee  Eiffel Tower ee magaalada Paris ayaa xiddiga reer Portugal lagu guddoonsiiyay abaal marinta markiisii shanaad wuxuuna soo bar bareeyay xiddiga reer Argentina.

Kartida iyo dhabar adeega Ronaldo waxaa kuu caddeynaya inuu sitay hal Ballon d’Or oo qura 2012 kolkaa uu Lionel Messi ku guuleystay tiisii 4-aad.

Laakiin laacibka Real Madrid isma uu dhiibin oo baabuur dheereeya ayuu ka soo daba qaatay, iminka uu sanadka yahay 2017, labada laacib waa isku tiro oo min 5-jeer ayay ku guuleysteen.

Waxa la sugaba waa midka lixeysan doona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close