Cristiano Ronaldo oo hadlay kaddib markii uu gacanta ku dhigay Ballon d’Or kii 5-aad

ronaldo

(Paris) 07 Dis 2017. Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay farxadiisa kaddib markii loo caleemo saaray Ballon d’Or markii shanaad.

Xiddiga reer Portugal ayaa iminka la siman Lionel Messi kaa oo heystay 4- Ballon d’Or markii uu isaga heystay 1 xabo oo kaliya 2012-kii.

Ronaldo ayaa sidan ku hadlaya kaddib guushii uu caawa gaaray:

“Farxad badan ayaan dareemayaa, waa waqti cajiib ah waayaheyga ciyaareed, waqti dheer ayaan sugayay midan.

vt

“Sanadkan mid wayn ayuu ahaa, waxaan ku guuleysanay Champions League iyo La Liga, heerka shaqsi ahaaneedna waxaan ahaa gool dhaliyaha ugu sarreeya Champions League.

“Koobabka ayaa caawiya abaal marintan waana inaan u mahad celinaa saaxiibadeena Real Madrid iyo xulka Portugal, aad ayay muhiim iigu ahayd.

“Waxaan rajeynayaa inaan heerkan ka sii ciyaaro sanado kale, waxaan rajeynayaa inuu sii socdo tartanka igala dhexeeya Messi, sabab ayay waxyaabaha u dhacaan.

Ronaldo and his family were absolutely delighted as he scooped his fifth Ballon d'Or

“Si fiican ayaan dareemayaa kal ciyaareedkan waana arki doonaa waxaan ku guuleysano dhammaadka sanadka.

“Neymar wuxuu leeyahay tayo badan, iyo waxyaabo badan oo laga filan karo, waan hubaa inuu mustaqbalka heli doono fursado uu ugu guuleysto Ballon d’Or.

Mar Ronaldo wax laga waydiiyay waxa uu doonayo Ciida gaalada ee Christmas ayaa yiri:

“Canug kale ayaan doonayaa…. Maya waa kaftan, waxaan ku raaxeysan doonaa afarteena, waxaan doonayaa 7 caruur ah iyo 7 Ballon d’Or.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close