XUMADDA DERBY D’ITALIA: ”Inter waa bullaacad ee halkaa ha joogeen” – Sandro Pellò

(Torino) 06 Dis 2017 – Hilinka rasmiga ah ee kooxda Juventus TV ayaa raalli gelin siiyay kooxda Inter kaddib markii uu nin ay waraysanayeen ku hadlay war aan u cuntamin isagoo leh “Dunida hallaga tirtiro Inter, oo bullaacadda hallugu hayo.”

Jeer uu soo muuqdo Derby d’Italia oo dhacaya todobaad dhamaadka, waxaa durba sii bilowday ka hadalka kulankan oo uu falanqaynayo JTV, waxaana mar qura furka xoortay mid ka mid ahaa martida.

Sandro Pellò, oo madaxa isgaarsiinta iyo xiriirka ee Juventus, ayaa warkan xaraar ka sheegay TV-ga kooxda ee JTV.

“Waxaan ku riyoodaa inaan iyaga aaso, anigoo ka baabi’inaya dunida, isla markaana tiraya rajo kasta oo ay ku noqon karaan koox caadi ah. Waa inay ku jiraan bullaacadaha oo ahayd halkii ay joogeen sanadihii ugu dambeeyay oo ay mugdiga ku gambanayeen.” ayuu yiri Sandro oo haatan raalli gelin ku bixiyay Twitter-ka.

“Interisti badan baa iga caroodey, xitaa kuwa Bianconeri ayaa i ehbiyay, runtii aad baan u fogaadey, erayga ‘bullaacad” inaan adeegsado ma ahayn, haddii ay cidi iga xumaatay raalli gelin baan bixinayaa. Sabtiga ayaannu garoonka isku arkii doonaa ee kii laga badiyo halla shito.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close