Ousmane Dembele oo dib ugu soo laabtay tababarka Barcelona +SAWIRRO

(Barcelona) 06 Dis 2017 Weerar yahanka reer France ee Ousmane Dembele ayaa dib loogu arkay saaka tababarka kooxda Barcelona.

20 jirkaan ayaan cag soo dhigin garoomada tan iyo bishii September markaas oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Tababare Valverde ayaa helaya akhbaar wanaagsan ka hor kulanka El-Clasico oo dhamaadka bishaan ay la ciyaarayaan Real Madrid.

Ousmane Dembele ayaa si caadi ah uga qayb qaatay tababarka buuxa, wuxuuna muujiyay inuu si fiican u soo kabsaday.

Mascherano iyo Rafinha oo dhankooda dhaawac ku maqan ayaa saaka sameeyay tababar iyaga u gooni ah sida ay baahisay Sport.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close