“Derby Manchester wuxuu ii yahay kulanka sanadka” – Vincent Kompany

(Manchester) 06 Dis 2017 Kabtanka Manchester City ee Vincent Kompany ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay u safrayso axada dariskooda United.

Vincent Kompany ayaa sheegay in kulankaas uu yahay kulanka kaliya ee uu ka fiirsado xiliciyaareedka oo dhan.

Image result for Kompany Derby Manchester

Wuxuuna intaa ku daray in si walba oo loo yareeyo qiimaha kulankaas inuu isaga u yahay kulanka sanadka.

“Marka uu yimaado kulanka Derby Manchester, wax muhiimad kale ah iima lahan xiliciyaareedka, waxaa muhiim ii ah oo kaliya kulanka Darbiga ah” ayuu yiri Vincent Kompany.

“Ciyaartoyda iyo tababareyaashu waxay jecelyihiin inay hoos u dhigaan qiimaha kulankaan laakiin muhiim iima ahan waxa ay sheegayaan hadalkooduna wax macno ah iima lahan”.

“Kulanka Derby Manchester waqtigaan wuxuu ii yahay kulanka sanadka, waxaan soo bandhigayaa wax walba oo karaankeyga ah si aan guul uga gaarno ciyaarta”.

“Muhiim ma ahan booska aan joogno sidoo kale muhiim ma ahan inaan u baahanahay hal dhibic ama 3-daba, waa inaan ku dadaalnaa inaan ka tagno Old Trafford anaga oo madaxeenu uu kor yahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close