Carabta doonaysa inay Milan iibsato oo la shaaciyay

(Milano) 06 Dis 2017 – Bilyineer Sucuudiyaan ah oo ka shaqaysta hantida ma guurtada ah jaalle Fawaz Alhokair ayaa lagu sheegay ninka ka dambeeya wararka la sheegayo ee ku aaddan iibsiga ama saami ku yeelashada Milan.

Sida ku dhigan Telelombardia iyo Il Sole 24 ore, Carabta la hadal hayo inay Milan maalgashanayso ayaa lagu sheega Fawaz Abdulaziz Alhokair Group, kaasoo ku howllan horumarinta hantida ma guurtada ah iyo ganacsiga.

Wuxuu horraanba ka shaqaynayaa mashruuc ka soconaya agagaarka Sesto San Giovanni, oo ah meel la sheegayay inay Milan ka dhisan rabto garoon ay iyadu leedahay.

Guruubka ayaa sidoo kale waxay maalgashadeen Carwada dukaamaysiga ee Pescaccio oo laga dhisayo Roma, taasoo noqon doonta midda Yurub ugu wayn marka la furo, iyadoo labada mashruuc ay sharikadda Alhokair ugu kacayaan €1.5bn.

Alhokair ayay Forbes ku qiyaastaa inuu haysto $1.21bn (€1.23bn), waloow aan la caddaynin inuu doonayo inuu Rossoneri ka wada iibsado Li Yonghong ama uu saami ka iibsado kooxda oo kaash cusub labada noocba ku heleysa.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close