Hordhac: Barcelona vs Sporting Lisbon

Barcelona vs Sporting Predictions 5th December 2017

(Barcelona) 05 Dis 2017 Barcelona ayaa caawa marti qaadi doonta Sporting Lisbon kulanka ugu danbeeya ee wareega guruubyada koobka horyaalada yurub.

Waqtiga: 10:45 Pm.

Garoonka: Camp Nou.

Garsooraha: Craig Thomson (Scotland).

Barcelona ayaa u baahan kaliya hal dhibic kulanka caawa si ay u xajisato hogaanka guruubka maadama ay isku dhibco noqonayaan haddii ay soo badiso Juventus.

Barcelona ayaa guulaysatay 4-kamid ah 5-tii kulan ee ay la ciyaartay Sporting Lisbon, waxaana laga adkaaday hal kulan.

Barca ayaa ka hortagtay kooxaha Portugal 26 jeer, 16 waa ay adkaatay, 4-barbaro ayeey gashay, 6-jeerna waa laga adkaaday.

Sporting Lisbon ayaa dhankeeda ka hortagtay kooxaha Spain 23 jeer, 6 waa ay badisay, 5 barbaro ayeey gashay, 12-jeerna waa la garaacay.

Iniesta, Samuel Umtiti, Mascherano iyo Dembele ayaa ka maqan kulankaan dhanka Barcelona, waxaana la filayaa in kulankaan ay ka soo muuqdaan Andre Gomes iyo Sergio Roberto.

Dhamaan ciyaartoyda kooxda Sporting Lisbon ayaa diyaar u ah kulankaan marka laga reebo Jonathan Silva oo qaba dhaawac dhanka jilibka ah.

Shaxda ay ku soo gali karaan labada kooxood:

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Vermaelen, Digne; Denis Suarez, Paulinho, Gomes; Messi, Luis Suarez, Alcacer.

Sporting Lisbon: Patricio; Coentrao, Mathieu, Piccini; Podence, Fernandes, Carvalho; Martins, Acuna; Dost.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close