Diego Costa oo si aan caadi ahayn uga shaqeeyay Jirkiisa

costa

(Madrid) 05 Dis 2017. Diego Costa ayaa caawa soo booqan doonin gegadiisii hore ee Stamford Bridge kulanka ay caawa Atletico Madrid la yeelan doonto Chelsea tartanka Champions League kaddib markii looga soo tagay Madrid.

Balse laacibka ayaa shaqo xoog badan ka qabtay jirkiisa isla markaana iska dhimay cayilkii fuulay intii ay isku kacsanaayeen Blues.

Dad badan ayaa ku dhaleeceeyay xiddiga reer Spain inuu cayil badan korey intii lagu guda jiray xagaaga oo uu fasax dheer ku soo qaatay dalka uu asal ahaanta ka soo jeedo ee Brazil.

Yeelkeede, Diego ayaa si hufan iminka isaga shaqeeyay oo waxaa muuqanaya inuu qaab fiican ku jiro kaddib markii uu soo dhigay Muuqaal isagoo Baaskiil xiiminaya.

Weeraryahanka dhibka badan ayaa Atletico Madrid si toos ah ugu safan doona bisha Janaayo marka kooxda laga qaado ganaaxa ka saaran dhanka suuqa.

Halkan ka DAAWO Muuqaalka:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close