David De Gea oo diyaar u ah inuu ku biiro Real Madrid haddii ay fuliyaan shardigaan

Image result for de gea real madrid

(Madrid) 05 Dis 2017 Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa sanado badan diirada u saarnaa Real Madrid.

Shabakada Diario Gol ee dalka Spain ayaa baahisay in David De Gea uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid mustaqbalka haddii ay siinayaan mushaar qaali ah.

Goolhayaha reer Spain ayaa doonaya in Real Madrid ay siiso mushaar dhan 12 milyan oo euro sanadkii haddii ay doonayaan inuu ku soo biiro oo uu ka soo tago kooxdiisa Manchester United.

Haddii Real Madrid ay aqbasho shardiga David De Gea wuxuu la mushaar noqonayaa Gareth Bale iyo kabtan Sergio Ramos.

David De Gea ayaa 2015 ku dhawaaday inuu xirto maaliyada Real Madrid, laakiin warqadii diiwaan galintiisa oo soo daahday ayaa sababtay inuu burburo heshiiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close