Marco Asensio oo dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Real Madrid

(Madrid) 04 Dis 2017 Tababare Zinedine Zidane ayaa helaya war wanaagsan ka hor kulanka ay soo dhawaynayso kooxdiisa arbacada Borussia Dortmund.

Marca ayaa baahisay in Marco Asensio uu dib ugu soo laabtay saaka tababarka buuxa ee kooxda Real Madrid.

Laacibka ayaa dhibaato ka qabay sinta gaar ahaan qaybta dambe ee xigta lugta midig, wuxuuna saaka u qaatay tababarka sifiican xili uu goob joog ahaa tababare Zidane.

21 jirka reer Spain ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo liiska ciyaartoyda uu tababare Zidane u soo xulan doono kulanka arbacada.

Alvaro Tejero iyo Moha ayaa sidoo kale ka soo muuqday tababarka kooxda koowaad halka Bale uu tababarka qaatay kaligiis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close