Ma saxbaa inuu khilaaf ka dhexeeyo Cristiano Ronaldo iyo Ramos?

Image result for Ramos Ronaldo

(Madrid) 04 Dis 2017 Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu khilaaf kala dhexeeyo Ronaldo.

Ramos ayaa ka hor yimid eedeyn uu Ronaldo u jeediyay kooxdiisa oo ahayd in kooxdu ay ku qaldanayd inay iska fasaxdo ciyaartoy dhawr ah suuqii xaggaaga.

Image result for Ramos Ronaldo

31 jirkaan ayaa sheegay in isaga iyo Ronaldo ay ka dhexeyso saaxiibtinimo wayn, wuxuuna intaa ku daray in labada qof ay kala ra’yi duwanaan karaan.

Sergio oo bixiyay waraysi dheer ayaa la waydiiyay khilaafka la sheegay inuu kala dhexeeyo Ronaldo, wuxuuna ku jawaabay:

“Wax dhacay oo dhib leh ma jiraan, saaxiibtinimo wayn ayaa naga dhexeysa, waan kala ra’yi duwanahay taasna waa wax iska caadi ah”.

“Mararka qaar waxaa jira go’aano aan ka midaysan nahay” ayuu sii raaciyay Sergio Ramos.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close