Carles Puyol oo ka hadlay Rikoorka dhanka casaanka ee uu sameeyay Ramos

Image result for Puyol Ramos

(Barcelona) 04 Dis 2017 Kabtankii hore ee Barcelona ayaa ka hadlay Rikoorkii dhanka casaanka ee uu sameeyay Sergio Ramos.

Daafaca Real Madrid ayaa laga saaray kulankii kooxdiisu ay barbaraha lagashay Bilbao sabtigii, wuxuuna qaatay casaankii 19-aad intii uu la joogay Real.

Image result for Ramos Red Card

Ramos ayaa noqday laacibka casaanka ugu badan ka qaatay La Liga taariikhda laakiin Carles Puyol oo isna waqti dheer u soo ciyaarayay Barcelona ayaa qaatay kaliya 3-casaan ah.

Carles Puyol ayaa la waydiiyay casaanka badan ee Sergio Ramos, wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaa haboon sababta inaad isaga waydiisaan, aniga xitaa si xoogan ayaan lugta ula gali jiray ciyaartoyda iga soo horjeeda laakiin waa qaab nadiif ah”.

“Qorshahaygu waa inaan helo kubadda ee ma ahan inaan dhibaateeyo, laakiin mararka qaar waxaan lugta la soo gaarayaa waqti dambe”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close