Andres Iniesta oo gabi’ahaanba aan dheeli doonin kulanka Sporting CP…..Ujeedo?

Iniesta 1(Catalonia) 04 Dis 2017. Barcelona waxa ay kulan aan micno ku fadhin Champions League-ga salaasada uga horimaan doontaa Sporting CP iyada oo uu ka maqan yahay Andres Iniesta kaddib markii uu dhaawac soo gaaray ciyaartii Celta Figo.

Kulan isaga oo aan rabin ayaa laga saaray qeybtii dambe waxaana bedelay Denis Suarez.

Hadda warbixin ka soo baxday Barcelona ayaa lagu xaqiijiyey in muruqa dambe uu xanuun ka dareemayo.

Iyada oo aysan jirin wax loo dagalamo salasasada kulanka Europe, wali ma cadda in Iniesta soo kaban doono kahor is ciyaarta Villarreal ee Estadio El Madrigal oo dhici dooa axadda soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close