INTER MILAN VS CHIEVO: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

(Milano) 03 Dis 2017 – Kooxda hawada mareeysa ee Inter Milan oo ah kooxda qura ee aan weli laga adkaanin horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa fursad qaali ah u haysata inay hoggaanka u qabato horyaalka, iyadoo galabta garoonkeeda ku madadaalinaysa kooxda Chievo.

Dhanka Inter: Spalletti wuxuu dib u helayaa Vecino oo daqiiqadda 1-aadba wajihi doona Chievo, Miranda iyo Gagliardini ayaa ganaaxan. Waxaa daafaca kusoo biiri doona Ranocchia, khadka dhexe waxaa ku jira Brozovic oo u dheeli doona qaab weerar kaalin ah.

Dhanka Chievo: Macallinka Chievo, Rolando Maran, ayaa shirkiisa jaraa’id shalay ka sheegay inuu safi doono khad dhexe oo qayrul caadi ah sababtuna waa maqnaashiyaha laacibiin muhim ah sida Hetemaj iyo Castro, oo dhaawacan, halka Radovanovic uu ganaaxan yahay. Waxaa daqiiqadda 1-aadba fursad heli doona Bastien iyo Rigoni.

b2

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close