“Zlatan marna TIJAABO lama marsiiyo.”. –Ibrahimovic oo isagoo yar ka yaabiyay Arsene Wenger!!

ibra

(England) 02 Dis 2017. Zlatan Ibrahimovic ayaa 2000 yimid xerada tababarka Arsenal si uu ugu biiro balse laacibka ayaa ka sheekeeyay wixii kala qabsaday isaga iyo tababare Arsene Wenger.

36-jirka ayaa meel ka dhac u arkay in Wenger uu u sheegay in tijaabo la marsiinayo ka hor inta uusan kooxda ku biirin, iyadoo uu laacibka midaa iska diiday dabadeedna sanad kaddib ku biiray naadiga Ajax ee dalka Holland.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan tusiyo waxa ay iska lumiyeen.”. Zlatan ayaa sidaa yiri markii uu 2001 ku biiray Ajax.

 Zlatan Ibrahimovic almost joined Arsenal in 2000... but a trial changed his mind

16-sanadood kaddib Ibra marna ma uusan ilaawin markii uu xirtay maaliyada No.9 ee kooxda Arsenal si uu ugu biiro.

“Waxaan aaday London oo waxaan balan la lahaa Wenger, kaa oo I waydiiyay inaan tijaabo u maro Arsenal,” Ibra ayaa sidaa u sheegay Sky Sports Itali.

“Waxaan u sheegay inaan tijaabo mareyn inuu sidaa igu qaato amaba iiga tago, halkan uma joogo inaan waqti lumiyo.

“Kalsoonidaas ayaanba qabay, maxaa yeelay maskax ahaan waxaan ahaa kan ugu xoogan dhammaan xitaa markaan yaraa.

 Zlatan Ibrahimovic joined Ajax from Malmo a year after his failed Arsenal trial

“Waxaan la kulmay Wenger maxaa yeelay waxaa ka filayay inuu ii sheego inaan isla markiiba howsha la bilaabo kooxda. Laakiin Ibra marna lama tijaabiyo.

“Markii aan yaraa, maskax ahaan ma aaminsanayn inuu jiro qof iga fiican.

“Waxaan TV ga ka daawaday Ronaldo, Romario iyo Baggio waxaana lahaa hal hadaf: Waxaan doonay inaan muujiyo inaan ahaa kan ugu fiican.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close