“Waxaan rajaynayaa inaad xusuusato goolasha aan ka dhalin doono Ruushka” – Lewandowski oo fariin u diray James Rodriguez

Image result for lewandowski james rodriguez

(Munich) 02 Dis 2017 Weerar yahanka xulka Poland ee Robert Lewandowski ayaa fariin u diray saaxiibkiis James Rodriguez.

Xulka Poland oo ah hogaanka guruub H ee koobka adduunka ayaa ku guruub ah xulalka kala ah Colombia, Senegal iyo Japan.

Image result for james rodriguez 2014 world cup

Robert Lewandowski ayaa fariin u diray saaxiibkiis James, wuxuuna u sheegay inuu xusuusto goolashii qurxoonaa ee uu ka daliyay koobkii adduunka ee Brazil lagu qabtay 2014.

“James Rodriguez, waan xusuustaa goolashaadii qurxoonaa ee koobkii adduunka ee u danbeeyay” ayuu Robert Lewandowski ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

“Waxaan rajaynayaa adiguna inaad xusuusnaato goolasha aan ka dhalin doono Ruushka” ayuu sii raaciyay.

Waxaa xusid mudan in James uu goolal qurxoon ka dhaliyay koobkii aduunka ee 2014, isaga oo sidoo kale ku guulaystay gool dhalinta koobkaas kadib markii uu dhaliyay 6 gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close