“Waxaan ahay taageere Arsenal” – Paul Pogba oo xaqiiqda ka hadlay

Image result for pogba Arsenal

(London) 02 Dis 2017 Laacibka qadka dhexe ee Manchester United iyo xulka France ee Paul Pogba ayaa qirtay inuu taageero u yahay Arsenal.

Ka hor kulanka kooxdiisu ay u martin doonto Gunners caawa ayuu ka careysiiyay Pogba taageerayaasha kooxdiisa.

Paul Pogba ayaa sheegay inuu taageere u ahaa Arsenal waqtigii uu yaraa inkasta oo uu ku soo barbaaray akadeemiyada Manchester United.

“France, Arsenal waxay ka ahayd wax wayn, waxaa joogi jiray laacibiin badan oo Faransiis ah, sidaas ayaan u taageeray Arsenal” ayuu yiri Paul Pogba.

“Ma ahayn taageere waali ah laakiin waxaan daawan jiray kulamo dhawr ah oo ay ciyaarayaan”.

“Henry dartiis ayaan u taageeray Arsenal, taas ayaa iga dhigtay inaan noqdo taageere wayn maadama Arsenal ay tahay koox wayn”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close