Ogoow arin muhiim ah oo sugaya Ronaldo koobka adduunka ee 2018

Image result for Ronaldo portugal World 2018

(Lisbon) 02 Dis 2017 Xulka qaranka Portugal ayaa xalay galay guruubka labaad ee koobka adduunka, wuxuuna ku guruub noqday xulalka Spain, Morocco iyo Iran.

Ronaldo ayaana haatan helay fursad uu gool uga dhalin karo xulka Spain oo uusan waligiis wax gool ah ka dhalin.

Image result for Ronaldo portugal World 2018

Tan iyo markii uu Ronaldo ku soo biiray xulka Portugal wuxuu ka hortagay xulka Spain 4-kulan, 3-kulan oo kamid ah waa kulamo rasmi ah.

2004 Labada xul ayaa ku kulmay wareegii guruubyada ee Euro 2004, Portugal ayaana 1-0 ku adkaatay kulankaas, Nuno Gomes ayaana goolkaas dhaliyay.

2010 labada xul ayaa ku kulmay wareega 16-ka ee koobka adduunka, Spain ayaana 1-0 ku adkaatay.

2012 labada xul ayaa isku arkay Semi Finalka Euro 2012, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay waqtigii loogu talo galay 0-0, Spain ayaana gool ku laad ku adkaatay.

Waxaa xusid mudan in Spain ay soo baxday ka hor intii aan la gaarin rigoore tuurista Ronaldo oo ku qornaa gool ku laadkii ugu danbeeyay ee xulka Portugal.

Ronaldo ayaa sidoo kale ka hortagay xulka Spain 2010 kulan saaxiibtinimo laakiin wax gool ah kama uusan dhalin, inkasta oo xulkiisu uu 4-0 uga adkaaday Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close