Messi walaalkiis oo wajahaya 3-sano oo xabsi ah (Maxaa loo haystaa?)

(Buenos Aires) 02 Dis 2017 Booliiska Argentina ayaa goor dhaw baahiyay inay gacanta ku soo dhigeen Matias Messi oo ah wiil la dhashay Messi-ga Barcelona.

Matias Messi ayaa wajiga ka dhaawacmay kadib markii ay isku dheceen doon uu saarnaa iyo doon kale.

Matias ayaa loola cararay isbitaalka, laakiin booliiska ayaa doonta ka soo dhex helay qori sharci daro ah oo uu haystay Messi walaalkiis.

Goobtii lagu dabiibayay Matias Messi ayeey booliisku ka soo qabteen, waxaana sharci ah in la xiro 3-sano qofkii lagu helo hub sharci daro ah.

Qoyska Messi wali kama aysan hadlin dhacdadaan cusub ee ku soo korortay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close