“Ma nihin kaliya 11 laacib ee waxaan nahay 100 million ” – Elneny oo digniin u sii diray Uruguay

Image result for mohamed elneny egypt

(Moscow) 02 Dis 2017 Laacibka xulka qaranka Masar ee Mohamed Elneny ayaa digniin u sii diray xulka ay wajahayaan kulanka ugu horeeya ee wareega guruubyada koobka adduunka.

Masar ayaa guruubka koowaad la gashay xulalka Ruushka, Sucuudiga iyo Uruguay, waxayna la ciyaarayaan kulanka hore xulka Uruguay.

Mohamed Elneny oo digniin u diray ciyaartoyda u ciyaara xulka Uruguay sida Cavani iyo Suarez ayaa soo qoray:

“Sifiican ugu diyaar garooba kulanka faraacinada, ma nihin oo kaliya 11 laacib ee waxaan nahay 100 Million oo Masaari ah”.

Xalay ayaa la sameeyay isku aadka wareega guruubyada ee koobka adduunka 2018 kaas oo uu martigalinayo Ruushka.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close