Arrigo Sacchi oo amaanay macallinnimada Rino Gattuso balse….

(Milano) 02 Dis 2017 – Halyeeygii Grande AC Milan macallin Arrigo Sacchi ayaa farxad kusoo dhoweeyay macallinka kooxdaasi dhowaan loo dhiibey ee Rino Gattuso.

Macallin Sacchi oo haatan kubadda falanqeeya ayaa waloow uu la dhacsan yahay raacihii hore ee AC Milan wuxuu misna dood ka keenay inay Rossoneri haysato laacibiintii ku haboonayd.

“Waa nin wanaagsan, caqli badan oo diyaarsan,” ayuu macallinka ruug caddaaga ihi u sheegay La Stampa.

“Milan miyay haysataa laacibiintii ku haboonayd? ayuu is waydiiyay. “Kubadda cagta, wax kasta waxay ka bilowdaan laacibiinta.” ayuu raaciyay isagoo muujinaya inuu qawadsan yahay laacibiinta.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close