Arsenal oo markale doonaysa Andre Silva kaddib hadalkii Gattuso

(London) 01 Dis 2017Qannaaska AC Milan ee Andre Silva ayaa markale kusoo noqday shaashadda  Arsenal.

Iyadoo sida uu dhigayo Le 10 Sport inay kooxda reer Talyaani ay xagaagii Arsenal laacibka kaga dulqaadday £33m balse laacibka Portuguese-ka ihi weli hal gool uma dhalinin dhanka horyaalka, waloow uu 8 gool ka dhaliyay EL.

Yeelkeede, Gunners ayaa weli xiisaynaysa laacibka oo ay soo dalban karto isla bisha Jannaayo kaddib markii la magacaabay Gennaro Gattuso oo aan laacibka la dhacsanayn.

“Waa laacib tayooyin sare leh aadna u da’yar, waxay ila tahay inuu lacag adag ka gooynayo suuqa,” ayuu Gattuso ka yiri Silva.

“Si sahlan baa loo iibin karaa, gaar ahaan maaddaama aanan muddo dheer arag isagoo sameeynaya 1-2.” ayuu raaciyay.

Warka Gattuso ayaa markale soo jeediyay dareenka Arsene Wenger oo muddo laacibka raadinayay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close