SSC NAPOLI VS JUVENTUS: Dybala oo 9 beenaad ah & shaxda ay labada kooxi kusoo geli karaan!

(Napoli) 30 Nof 2017 – Juventus ayay dhici kartaa inay Paulo Dybala u adeegsato 9 beenaad (False 9) iyadoo ay ku daaban yihiin Douglas Costa iyo Juan Cuadrado marka ay habeen dambe u martiyaan kooxda SSC Napoli kaddib dhaawacyada Mario Mandzukic iyo Gonzalo Higuain.

Kooxda Bianconeri ayaa waxaa awal ka maqnaa Higuain oo gacanta laga qalay, waxaana maanta dhaawacyo yar yar oo muruqa ihi soo gaareen Mandzukic iyo Benedikt Howedes waxaase soo laabtay Cuadrado, Federico Bernardeschi iyo Giorgio Chiellini.

Max Allegri ayaa adeegsanaya shaxda 3-4-3 si uu uga falceliyo weerrarada kooxda Napoli oo wadata seddexda orodka badan ee Dries Mertens, Lorenzo Insigne iyo Jose Callejon, wuxuuna door bidayaa inay xukumaan khadka dhexe iyadoo uu Dybala marna ku biirayo weerarka marna 3 siman oo xoojinaysa khadka dhexe.

Hoos ka eeg shaxda macquulka ah:

Napoli (macquul): Reina; Hysaj, Albiol, Koulibaly, Mario Rui; Allan, Jorginho, Hamsik; Callejon, Mertens, Insigne

Juventus (macquul): Buffon; Barzagli, Benatia, Chiellini; De Sciglio, Khedira, Pjanic, Alex Sandro; Cuadrado, Dybala, Douglas Costa

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close