Real Madrid oo ku dhaw dhamaystirka saxiixii ugu horeeyay ee bisha janaayo

(Madrid) 30 Nof 2017 Kooxda tababare Zidane ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga bisha janaayo.
Marca ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa goolhayaha kooxda Athletic Bilbao ee Kepa Arrizabalaga.
Florentino Perez ayaan diyaar u ahayn inuu sugo ilaa dhamaadka xiliciyaareed kaan si uu bilaash ugu helo 23 jirka reer Spain.
Kepa Arrizabalaga ayaa iska diiday dalabyo ka soo gaaray kooxaha Juventus iyo Arsenal kadib markii uu wadahadalo hormar leh la yeeshay Real Madrid.
Tababare Zidane ayaa aad ugu baahan inuu iska adkeeyo dhanka goolhayaha kadib markii uu batay dhaawaca goolhaye Navas xiliciyaareed kaan.
Gool FM