RASMI: David Silva oo heshiis cusub u saxiixay Manchester City

(Manchester) 30 Nof 2017 Kubadd abuuraha reer Spain ee David Silva ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Manchester City.

Kooxda ayaa baahisay in David Silva uu saxiixay heshiis dhacaya ilaa 2020, wuxuuna u muuqdaa mid waayihiisa u hibeeyay kooxda tababare Guardiola.

Qandaraaskiisii hore ayaa dhacayay 2019, balse tababare Pep Guardiola ayaa codsaday in laga saxiixo hal sano oo dheeri ah.

David Silva ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in mustaqbalkiisa uu u hibeeyo Manchester City oo uu ku soo biiray 2010 markaas oo uu ka soo dhaqaaqay Valencia.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la sii joogo Man City, waan ku faanayaa wixii aan la gaaray 7-sano iyo barkii aan la joogay” ayuu yiri David Silva.

“Maadama uu na hogaaminayo Pep Guardiola, waxaan aaminsanahay inaan ku jirno xaalad wanaagsan oo naga caawin karta inaan ku guulaysano dhawr koob xiliciyaareed kaan iyo kuwa ku xiga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close