Mohamed Salah oo ka sara maray Messi, Ronaldo, Neymar iyo Lewandowski

(Liverpool) 30 Nof 2017 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka saramaray ciyaartoyda ugu magaca dheer kubadda cagta waqtigaan.

Salah ayaa xalay laba gool dhaliyay kulan kooxdiisa Liverpool ay 3-0 uga adkaatay Stoke City oo ay marti u ahayd.

Image result for Salah Messi Ronaldo

Goolashii uu dhaliyay xalay ayaa ka dhigtay inuu ku qabtay hogaanka gool dhalinta horyaalka ingiriiska 12-gool.

Mohamed Salah ayaa xiliciyaareed kaan u dhaliyay Liverpool 17 gool tartamada oo dhan, wuxuuna ka sareeyaa Messi oo dhaliyay 15 gool iyo Neymar oo isna dhaliyay 15-gool.

Sidoo kale wuxuu dhanka gool dhalinta uga sareeyaa xiliciyaareed kaan weerar yahanka Bayern Munich ee Lewandowski kaas oo isna dhaliyay 15 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa isna qayb ka ah ciyaartoyda uu ka goolasha badanyahay Mohamed Salah xiliciyaareed kaan, xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 10 gool.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close