“Kani waa gookii ugu qurxoonaa oo aan dhaliyo.”. Wayne Rooney

gooll

(England) 30 Nof 2017. Wayne Rooney ayaa xalay saddexleydii ugu horreysay u dhaliyay Everton ciyaartii ay 4-ta gool ku xaaqeen West Ham.

Mid ka mid ah goolasha ayaa innaba caadi ahayn oo wuxuu ka soo toogtay bartanka meel goosha u jirta 57.67 yard, taa oo uu ku sheegay inuu yahay goolkii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed.

Ma ahan markii ugu horreysay uu seyruuqan oo kale dhaliyo wiilka reer England oo saddex sano uun ka hor ayuu gegada Upton Park ka dhaliyay goolkan oo kale balse kii xalay ayuu u arkaa inuu noqon karo goolkiisii ugu fiicnaa ebid.

 Wayne Rooney scored one of the best goals of his career from inside his own half against West Ham

“Waa mid ka mid ah goolasheydii ugu fiicnaa haddii uusanba ahayn kii ugu fiicnaa ee aan ebid dhaliyo,” Rooney ayaa sidaa u sheegay BT Sport ciyaarta kaddib.

“Ma aaminsani inaan ebid nolosheyda weligeey dhaliyay kubbad cag ka fiican.

“Waan ku farxsanahay inaan saddexleydii ugu horreysay u dhaliyo Everton.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close