Guardiola oo amaanay Raheem Sterling kadib guushii uu farta ka saaray xalay

(Manchester) 30 Nof  2017 Tababare Pep Guardiola ayaa amaan dusha ka saaray laacbkiisa Raheem Sterling kadib guushii xalay.

Raheem Sterling ayaa goolka guusha u dhaliyay Manchester City ilbiriqsiyadii ugu danbeeyay ee waqtigii lagu daray ciyaarta.

Tababaraha reer Spain oo farxad la kala batay dhamaadkii ciyaarta ayaa sheegay in Raheem Sterling uu yahay laacib go’aamiya natiijooyinka kulamada kooxda City.

“Raheem Sterling waa laacib go’aamin kara natiijada ciyaarta, waan ku faraxsanahay isaga, waa laacib cajiib ah” ayuu u sheegay BBC Sport.

“Wuxuu ahaa gool cajiib ah, inbadan ayuu muhiim noo ahaa, wuxuu ahaa mid qurxoon” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close