Ogoow qaabka lacagaha ay u kala heli doonaan xulalka ka qayb galaya K.A ee 2018 (Xulka ku guulaysta koobka imisa lacag ah ayuu heli doonaa?)

Image result for World Cup 2018 Teams

(Moscow) 29 Nof 2017 Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa baahiyay qaabka lacagaha ay u kala heli doonaan dhamaan xulalka ka qayb galaya koobka adduunka 2018.

FIFA ayaa ugu talo gashay bilowga hore in dhamaan xulalka loo kala qaybiyo lacag dhan 400 milyan oo euro, waxaana xul walba uu heli doonaa 1.27 milyan oo euro si uu ugu diyaar garoobo ka qayb galka koobka maadama ay yihiin 32 xul.

Image result for World Cup 2018

Miisaaniyada FIFA ay ugu talo gashay koobka adduunka ee 2018 ayaa ka badan tii ay ku bixisay koobkii adduunka ee ka dhacay Brazil 2014.

Xulalka ku hara wareega guruubyada ayaa heli doonaa 6.7 milyan, halka xulalka u soo gudba wareega 16-ka ayaa heli doonaan 10.14 milyan.

Xulalka u soo gudba wareega 8-dhamaadka ayaa heli doona 13.5 milyan, halka xulalka u soo gudba afar dhamaadka ay heli doonaan 18.6 milyan.

Xulka gala kaalinta 3-aad ayaa heli doona 20.28 milyan, halka xulka gala booska labaad uu heli doono 23.6 milyan oo euro.

Xulka ku guulaysta koobka adduunka ee 2018 ayaa heli doona lacag dhan 32.1 milyan oo euro, xulka Jarmalka oo ku guulaystay koobkii adduunka ee 2014 ayaa helay 29.59. taas ayaana ka dhigan in FIFA markaan ay kordhinayso lacagta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close