Mourinho oo Sabab YAAB LEH u sameeyay Abaarta goolal la’aanta ee ku habsatay Lukaku!!

jooose

(Manchester) 29 Nof 2017. Jose Mourinho ayaa sabab Yaab leh ku sheegay abaarta goolal la’aanta ee baryahan ku habsatay Lukaku.

Macallinka reer Portugal ayaa si kaftan ah goolal la’aanta dhaliyaha reer Belgium ku eedeeyay in laacibku uusan heysan xayaysiin dhanka kobihiisa ah isla markaana uu ku ciyaaro Kabo madoow.

24 jirka ayaa hal gool uun u dhaliyay Red Devils 10 kii kulan ee ugu dambeeyay.

Taageerayaasha Man United ayaa xitaa baraha bulshada ku dalbaya in Keydka la dhigo Lukaku kulanka sabtida ay ku wajahayaan kooxda Arsenal.

Laakiin Jose mar wax laga waydiiyay abaarta goolal la’aanta ee Lukaku ayaa yiri:

“Waxaan u maleynayaa inuu u baahan yahay heshiis wayn oo Kobihiisa ah Maxaa yeelay ma heysto heshiis wax shirkad ah.

“Taasi waa sababta uu ugu ciyaarayo Kobo Madoow ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close