Martial oo badalay maanka tababare Jose Mourinho

Image result for Martial Mourinho

(Manchester) 29 Nof 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ku qancay qaab ciyaareedka Anthony Martial.

Laacibka reer France ayaa u dhaliyay kooxdiisa United 6-gool 13-kii kulan ee ugu horeeyay Premier League xiliciyaareed kaan.

Image result for ivan perisic

The Independent ayaa xaqiijisay in Mourinho uu maankiisa ka saaray saxiixa Ivan Perisic kaas oo uu ku guul daraystay soo xerogalintiisa suuqii xaggaaga.

Sidoo kale tababaraha reer Portugal ayaa hoos u dhigay rajada uu ka qabo saxiixa Bale iyo Griezmann maadama Martial uu ku jiro qaab ciyaareed aad u fiican.

Martial ayaa ku fashilmay xiliciyaareedkii hore inuu soo jiito tababarihiisa Jose Mourinho kaas oo ku fikiray inuu iska fasaxo.

Laakiin go’aanka laacibka ee ah inuu hormar sameeyo ayaa ka gacansiisay inuu dib u soo rogaal celiyo, waxaana suurogal ah inuu qayb ka noqdo ciyaartoyda laf dhabarta u ah Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close