Inter oo heshiis cusub ka saxiixaysa Mauro Icardi

Icardi

(Milan) 29 Nof 2017 Inter Milan ayaa ku dadaalaysa sidii ay uga hor istaagi lahayd kooxaha kale xiisaha ay u qabaan Mauro Icardi.

Weerar yahanka reer Argentina oo dhawaan looga yeeray xulka ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxdiisa Inter.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in tartanka saxiixa Mauro Icardi aysan kali ku ahayn Real Madrid balse ay qayb ka yihiin kooxaha PSG, Bayern Munich iyo Chelsea.

Qandaraaska Mauro Icardi ee Inter ayaa dhacaya 2021 laakiin kooxda ayaa doonaysa inay gaarsiiso ilaa 2023.

Haddii uu saxiixo heshiiskaan cusub wuxuu sanadkii mushaar u heli doonaa 7 milyan oo euro, waxaana kor loo qaadayaa qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa oo haatan ah 110 milyan oo euro waxaana la gaarsiinayaa ilaa 220 milyan oo euro.

Kooxda ayaa sidaan u samaynaysa si ay uga hor istaagto dhamaan kooxaha xiisaynaya saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close