Giorgio Chiellini oo filaya in Dani Alves uu ka tagayo PSG

Image result for chiellini Alves

(Torino) 29 Nof 2017 Daafaca Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa dareensan in Dani Alves uusan waqti dheer la sii joogi doonin PSG.

Dani Alves oo hal xiliciyaareed oo kaliya la qaatay Juventus kadib markii uu ka soo tagay Barcelona ayaa u dhaqaaqay suuqii xaggaaga kooxda PSG.

Image result for chiellini Alves

Labada laacib ayaa isku arkay xafladii lagu bixinayay abaal marinada horyaalka talyaaniga, Dani Alves ayaana ku guulaystay abaal marinta daafac midig kii ugu fiicnaa Serie A xiliciyaareedkii hore.

“Waxaan rumaysanahay inuu ka tagayo PSG sidii uu horay ugu go’aansaday inuu ka tago Juventus” ayuu yiri Giorgio Chiellini.

“Waa laacib inbadan jecel inuu sameeyo isbadal cusub, ixtiraam badan ayaan u haayaa waayo xusuus fiican ayuu nooga tagay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close