Ciyaartoyda Barcelona oo dalbaday laacib ka ciyaara Premier League (Waa Kee?)

Image result for Messi, Suarez Iniesta

(Barcelona) 29 Nof 2017 Guuxa ka soo baxaya qolka labiska Barcelona ayaa u gudbay maamulka kooxda, waxaana lagu dalbaday saxiixa laacib ka ciyaara Premier League.

Ciyaartoyda ayaa dareensan in kooxda looga fadhiyo inay inbadan is hagaajiso wajiga labaad ee xiliciyaareed kaan si kooxdu ay ugu tartanto dhamaan koobabka macquulka ah.

cou

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in ciyaartoydu ay dalbanayaan in kooxda la keeno Philippe Coutinho kaas oo kooxdu ay ku fashilantay saxiixiisa suuqii xaggaaga.

Barcelona ayaa wali ka fiirsanaysa saxiixa Philippe Coutinho kadib markii Liverpool ay ku wargalisay inay miiska soo saarto lacag dhan 150 milyan oo euro.

Ivan Rakitic oo waraysi gaar ah horay u siiyay Mundo Deportivo ayaa dalbaday in kooxda lagu soo daro wajiyo cusub suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close