Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ka warbixiyay sababtii qaranka uu ugu baaqday tartanka CECAFA Senior

(Muqdisho) 28 Nof 2017.Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa ka hadlay sababtii qaranka uu ugu baaqday ka qeyb qaadashada tartanka CECAFA Senior Challenge Cup 2017.

Shir jaraa’id uu Muqdisho ku qabtay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta C/qani Saciid Carab ayaa sheegay in qaranka uu ugu baaqday Cecafa dhacdadii Zope oo ay ku geeriyoodeen dad badan oo ay ku jiraan saddex ciyaaryahan.

IMG_0506

” Ma jirto cid naga saartay tartanka, si la mid ah ma jirto warqad kasoo baxday Cecafa oo ku cad in Soomaaliya tartanka laga saaray ayuu yiri C/qani Saciid Carab.

”Waxaan u gudbinay Cecafa in aan ka qeyb qaadan Karin tartanka iyaguna wey naga aqbaleen ayuu hadalkiisa sii raaciyaymadaxweynaha xiriirka kubadda cagta dalkeena.

Si kastaba qaranka wali tababar ayuu wadaa si uu ugu diyaar garoobi si adag tartamada soo socda,waxaa hadalkan kusoo beegmayaa iyadoo maalmahan la isla dhexmarayay hadalo uu guddoomiyaha ku sheegay been abuur oo saxaafada iyo baraha bulshada lagu faafiyay taasi oo aan sal iyo raad toona lahayn waa sida uu sheegay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta C/qani Saciid Carab

IMG_0475  IMG_0506

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close