SAWIRRO XUL AH: Kooxda Horseed oo si weyn isugu diyaarineysa horyaalka kubadda gacanta Soomaaliya

IMG_0643

(Muqdisho) 28 Nof 2017.Kooxda Horseed ayaa si xoogan isugu diyaarineysa horyaalka kubadda gacanta kaa soo bisha soo aadan ka furmi doono garoonka Wiish.

Naadiga lagu naaneyso Cawa iyo Maalin ayaa tababar subax iyo galab ugu diyaar garoobeysa horyaalka, waxaana ay ku sameeyaan garoonka Wiish iyo si la mid ah xarunta degmada Boondheere.

Macallin C/laahi Gaaari oo ah tababaraha kooxda Horseed ee kubadda gacanta ayaa sheegay in naadiga ay dib u dhis ballaanran isku sameysay ayna la soo wareegtay xiddigo kala duwan waa sidoo hadalka u dhigayee.

“Tababarka naadiga waxa uu ka kooban yahay laba qeybood,waxaana ku sameynaa garooomada Wiish iyo Boondheere  Waxaan rajeyneenaa in aan ku guuleysano horyaalka billaaban doono ayuu yiri macallin C/laahi Gaari.

Sidoo kale kabtanka Horseed  Maxamed C/laahi Saab ayaa isna aaminsan in diyaar garoowga kooxda ay u sahli karto horyaalka kubadda gacanta.

C/risaaq Daahir Calasoow oo ah kabtan ku xugeenka kooxda Militariga ayaa isna dhankiisa waxa uu soo dhaweeyay saxiixyada cusub ee naadiga , wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiddigahan ay ka mid yihiin ciyaartooyda ugu tayada fiican xiddigaha ka ciyaara horyaalka kubadda gacanta.

Geesta kale Xuseen Cismaan oo loo yaqaano bas baas kana mid ah saxiixyada cusub ee kooxda ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ku biirista naadiga  Horseed, isagoo horay ugu tirsanaa kooxda Nationlink.

Horseed ayaa galabta saxaafadda u soo bandhigtay xiddigo kala  duwan  oo uu qeyb ka yahay kubad qeybiyihii ugu fiicnaa ciyaarihii degmooyinka kana tirsanaa Warta Nabadda Daadi Aweys Daada iyo xiddigaha kale ee  Cumar Shire, Xuseen Cismaan Dhuxuloow iyo C/Fitaax Taliyoow.

IMG_0516 IMG_0517 IMG_0521 IMG_0525 IMG_0528 IMG_0537 IMG_0539 IMG_0541 IMG_0543 IMG_0545 IMG_0548 IMG_0552 IMG_0554 IMG_0557 IMG_0558 IMG_0564 IMG_0566 IMG_0577 IMG_0595 IMG_0598 IMG_0599 IMG_0605 IMG_0610 IMG_0619 IMG_0626 IMG_0630 IMG_0633 IMG_0643 IMG_0644 IMG_0651 IMG_0655 IMG_0657 IMG_0662 IMG_0666 IMG_0667 IMG_0671 IMG_0675 IMG_0678

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close