Roberto Carlos oo Daaha ka rogay sidii uu ku dhaliyay GOOLKII ay xitaa ku wareereen Khubarada Fiisikiska/ Physics!!!!

car

(World) 28 Nof 2017. Ma xusuustaa Bulusiyoonkii Yaabka lahaa uu Roberto Carlos ka dhaliyay xulka Faransiiska1997?

Haddii ay jawaabtaadu Haa tahay Carlos ayaa iminka shaaca ka qaaday in xirfad ama farsamo uusan ku dhalin goolkaas balse ay isaga toostay oo Nasiibku saaciday.

Carlos ayaa kubbad uu dhinac u laaday oo la mooday inayba baxday inta soo qoloocatay daba martay goolhaye Fabien Barthez.

Dad badan ayaa u arkay inuu goolka yahay Bulusiyoonkii ugu fiicnaa ee ebid la dhaliyo.

 Roberto Carlos has revealed that his banana free-kick for Brazil was a fluke

Xitaa khubrada Fiiskiska (Physics) ayay ku adkaatay inay sharaxaan Xagasha uu ka soo laabtay goolkaasi isla markaana u dama maray Goolhaye Barthez.

Yeelkeed, Carlos ayaa iminka sheegay inuu goolka Nasiib ku dhashay balse aysan jirin Farasmo iyo Qorshe.

“Kubbada gabi ahaan bannaanka ayay ku socotay, balse Dabeysha (Wind) ayaa dib ugu soo celisay goolka. Mucjiso ayay ahayd.”. Carlos ayaa sidaa u sheegay L’Equipe.

 The wonder-goal baffled experts but it was apparently down to a gust of wind

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close