“Ozil waxa uu si bilaash ah ugu biiri doonaa xagaaga dambe Manchester United.”

ozil

(London) 28 Nof 2017. Weeraryahankii hore ee Arsenal Ian Wright waxa uu sheegay in ay u egtahay Ozil in uu xagaaga dambe ku biiri doono Manchester United.

Laacibka Germany koobka aduunka kula guuleystay waxaa ka dhacsan qandaraaska uma muuqdo mid heshiis cusub qallinka  ugu duugi doona Gunners.

Sida xaalku iminku yahay,waxaa jira warar badan oo xan ah kuwaas oo la xiriirinaya Ozil Man United iyo Barcelona.

“Mezut Ozil oo si bilaash ah ugu biira Manchester United ayaa muuqata. Waxaan hubaa in Jose jeclan lahaa sidaas in uu yeelo,” ayuu Wright BBC-da u sheegay.

“Taas cabsi geeri ah ayey I galineysaa. Waa hibo weyn haddii aad ciyaaryahanno wacan hareerihiisa ku hesho sare ayey u qaadi doonaan.”

Ozil 10 kulan ayuu ololahan uga soo muuqday Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close