Mane oo beeniyay inuu dagaal ka dhex taagan yahay isaga iyo Tababare Klopp

mane

(England) 28 Nof 2017. Dhaliyaha Liverpool Sadio Mane ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah kala dhexeyn tababare Jurgen Klopp iyadoo ay jirto inuu shaashada ka soo muuqday isagoo la doodaya macallinkiisa ciyaartii ay bar baraha 1-1 la galeen Chelsea.

Mane ayaa soo galay dhammaadka ciyaarta kulankii sabtida ka dhacay Anfield ka hor inta uusan hadalo dhaafsan Klopp ciyaarta kaddib.

Yeelkeede, weeraryahanka reer Senegal ayaa hoos u dhigay dhacdada isagoona sheegay inuu ahaa uun wada sheekeysi saaxiibtinimo.

“Wuxuu I waydiistay inaan ka ciyaaro garabka midig waxaana mar isku dayay inaan waydiisto booska sagaalaad,” Mane ayaa sidaa u sheegay Sky Sports News.

“Maxamed Saalax wuxuu joogay dhankeyga, tababarahana wuxuu ku qeylinayay. ‘Sadio imoow garabka midig’.

“Ciyaarta kaddib waxaan u sheegay tababaraha inay sahlanaan lahayd haddii aad Mohamed Salah u shegto inuu yimaado dhankaa maxaa yeelay isagaa kuu dhawaa.

“laakiin waxay ahayd mid saaxiibtinimo. Ma ahayn inaan faraxsanayn ama wax kale. Wax dhibaato ah ma jirin, waan la xiriirayay uun, midaa ayaana u sharaxayay ciyaarta kaddib.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close