Heshiis Qarsoodi ah uu Asensio la galay Real Madrid oo farxad galinaya Chelsea…(Sidee!!?)

asen

(Europe) 28 Nof 2017. Marco Asensio ayaa heshiis qarsoodi ah la yeeshay madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez.

Da’yarka reer Spain ayaa si wayn ugu lug lahaa kal ciyaareedkan balse wuxuu kulan la yeeshay Perez iyo wakiilkiisa.

Madaxwaynaha Real Madrid ayaa Asensio u sameeyay ballan qaad ah booskiisa kooxda waxaana lagu heshiiyay inaan lala soo saxiixan laacib kale oo waxyeelayn kara koriimadiisa xiddignimo ee Bernabeu.

Warsidaha Spain ee Diario Gol ayaa sheegay inay taa la micno tahay aqbaar fiican oo u soo hoyatay naadiga Chelsea maadaama kooxda xafidaneysa La Liga aysan u soo dhaqaaqi doonin Eden Hazard.

Marco Asensio has a secret pact with Real Madrid chief Florentino Perez

Yeelkeede, waxay kaloo sheegtay in madaxwayne Perez uu balan qaadka ka bixi karo haddii uu mustaqbalka lumo qaab ciyaareedka fiican ee Asensio.

21-jirka ayaa xilli ciyaareedkan Real Madrid u ciyaaray 1,112 daqiiqo isagoona dhaliyay 7-gool.

Asensio ayaa wacdaro dhigay bilowgii kal ciyaareedka kolkaa uu buuxinayay booskii Cristiano Ronaldo oo ganaax ku maqnaa.

Waxay wararku sheegayaan in Florentino Perez uu aad ula dhacay xirfada weeraryahanka da’da yar wuxuuna doonayaa inuu waqti dheer kooxda la sii joogo.

Asensio ayaa rajeynaya inuu Real Madrid ka caawiyo inay soo jarto gaabka u dhexeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Barcelona oo ku hor kacaya 8-dhibcood oo nadiif ah.

Chelsea ace Eden Hazard is still wanted by Real Madrid

Eden Hazard ayaa waxaa waqti dheer u bogsanaa Real Madrid iyadoo uu Zidane taageere u yahay xiddiga reer Belgium.

Laacibka Chelsea ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray fasal ciyaareedkan, wuxuu dhaliyay lix gool halka uu tiradaas oo kale caawiyay dhammaan tartamada.

Blues ayaa habeenka arbacada soo dhaweyn doonta naadiga Swansea City horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close