Buffon oo loo magacaabay laacibka sanadka ee Serie A iyo Dani Alves oo abaal marin helay

(Italy) 28 Nof 2017. Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa horyaalka Talyaaniga ee kal ciyaareedkii la soo dhaafay.

Xaflada ka dhacday Milano ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xiriirka kubbada cagta Talyaaniga.

Daafaca PSG Dani Alves ayaa dib ula midoobay saaxiibadiisii hore ee Juventus si uu abaal marintiisa u soo qaato maadaama lagu soo daray kooxdii ugu fiicneyd Serie A sanadkii la soo dhaafay.

Kooxda Allegri ayaa 7 laacib ku lahayd shaxda ugu fiican sanadka Buffon, Dani Alves, Leonardo Bonucci, Alex Sandro, Miralem Pjanic, Gonzalo Higuain iyo Paulo Dybala.

Afarta laacib ee shaxda dhammeystireysa ayaa kala ah Kalidou Koulibaly, Radja Nainggolan, Marek Hamsik and Dries Mertens.

Kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ah ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay abaal marinta kooxda ugu fiican kaddib lix sano oo xiriir ah ay horyaalka ku guuleysaneysay.

SAWIRRO:

buffon

Buffon and his fellow Juventus team-mates enjoyed a successful night in Milan 

Legendary Italian goalkeeper Buffon was also named in the 2016-17 Serie A Team of the Year 

The star-studded Team of the Year pose with their awards at the Megawatt Court

Dani Alves is hugged by former Juventus team-mate Buffon after making the Team of the Year

Buffon poses with Juventus team-mates Paulo Dybala, Miralem Pjanic and Alex Sandro Buffon poses for a photo alongside his fiancee Ilaria D'Amico on Monday night in Milan 

Leonardo Bonucci won the Best Player award in 2016 after a fine year for Juventus

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close