“Waxaan  doonayaa inaan arko BBC oo dib u wada ciyaaraya.”. Zidane

bale

(Madrid) 27 Nof 2017. Gareth Bale ayaa dib u soo laabtay laguna wadaa inuu ciyaaro kulanka Copa del Rey ay Real Madrid la ciyaareyso Fuenlabrada.

Tababare Zidane ayaa dhararaya sidii uu u arki lahaa weeraryahanada BBC oo dib u ciyaaraya Bale, Benzema iyo Ronaldo.

“Kuma ciyaari karno 12 ama 13 ciyaartooy,” Zidane ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

“Laakiin waxaan doonayaa inaan saddexdooda wada arko, Bale, Benzema iyo Ronaldo oo wada ciyaaraya, maxaa yeelay muddo dheer ma arag iyagoo wada ciyaaraya.

“Bale wuu inala joogi doonaa berito. Fikradu waa inuu ciyaaraa kulanka berito ee Fuenlabrada. Waxaan doonayaa inuu Bale boqolkiiba boqol diyaar noqdo sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan, ma sheegi karo goorta uu heerkaa joogi karo.

“Fikradu waa inuu berito ciyaaraa, laakiin waan arki doonaa inta uu ciyaarayo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close