RASMI: Qalliinkii Gonzalo Higuaín oo lagu guulaystey

(Torino) 27 Nof 2017 – Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in lagu guulaystey qalliin lagu sameeyay Gonzalo Higuain balse lama sheegin xilliga uu kusoo kaban karo, taasoo ugu badnaan bil noqon karta.

Qannaaskan ayaase la hubaa inuu seegi doono kulanka adag ee ay Jimcaha kooxdiisu la yeelan doonto Juventus kaddib markii qalliinka looga sameeyay gacanta bidix iyadoo lagu qalay isbitaalka Sedes Sapientiae clinic.

“Gonzalo Higuain wuxuu maanta maray qalliin looga sameeyay laf ka tarrartay gacantiisa bidix, waana lagu guulaystey qalliinkaas oo qaatay qiyaastii 45 daqiiqadood,” Juve ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Juve oo sidoo kale lagu xusay dhakhaatiirta qalliinka sameeysay oo kala ah: Doctor L. Pegoli, Professor R. Rossi iyo shaqaalaha caafimaadka J Medical, waxaana goob joog ahaa dhakhtartka naadiga Claudio Rigo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close